R/W Rooble oo u hambalyeeyey xildhibaanada cusub ee la doortay

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay magaalada Muqdisho, isaga oo hambalyo u diray xildhibaanada cusub ee la doortay.

Rooble ayaa sidoo kale ka dalbaday maamul goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-galaan doorashada Golaha Shacabka oo ka culus mida Aqalka Sare.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ra’iisul Wasaare Rooble”Waxaan hambalyo u dirayaa
1. Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo
2. Xildhibaan Biixi IImaan Cige oo maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here