Madaxweynaha Somaliland oo war cusub kasoo saaray dagaalka Laascaanood

0

HARGEYSA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa oo lagu qabtay munaasabadda 26 June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Muuse Biixi ayaa sheegay in Laascaanood ay kula dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay magaaladaas iyo ciidanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidankiisa aysan weli duulaan qaadin, balse mar kasta lasoo weeraray, iyaguna ay is difaacayeen.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ilaalinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka, si loo soo celiyo kala dambeyntii Laascaanood.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo labada maalmood ee lasoo dhaafay ay dagaalladu dib uga qarxeen bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here