Marwada Madaxweynaha oo hambalyo u dirtay shacabka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahra Cumar Xasan ayaa dhambaal Hambalyo ah u dirtay Ummada Soomaaliyeed Munaasabadda 26 Juun awgeed.

 

Iyadoo ay ku Asteysantahay 63-sano kadib markii Gobollada Waqooyi ee dalkeenna Gobanimadii ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa Marwo Sahra Cumar waxa ay ugu hambalyeysay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed munaasabadaasi Qaaliga ah

“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, Munaasabadda ku aadan Xorriyadda Dalkeenna oo caawa ay ku beegantahay Habeenkii calan Soomaaliyeed laga taago Dhul Soomaaliyeed oo ay ka soo wareegtay 63-Sano” ayey tiri Marwo Sahro.

Ugu danbeyn Maamada dalka oo ku maqan Gudashada rugniga Xajka ayaa halkaasi ugasoo duceysay Dalkeena iyo dadka Soomaaliyeed iyadoona u rajeysay Ummada Soomaaliyeed Guul, Midnimo iyo Barwaaqo Sanadkaan Sanadkiisa kale in ALLAH ku gaarsiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here