DHUUSAMAREEB (SMN) -Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalmahii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay MadaxweynahaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Xubno ka mid ah galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.