Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) -Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalmahii  la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay MadaxweynahaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Xubno ka mid ah galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here