Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Uganda kana Qeyb Galaya Caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda

0

Kampala, Uganda – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu uga qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Uganda, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta gobolka si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo is dhexgal dhaqaale iyo mid amni oo waara.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, gaar ahaan ka qeyb qaadashada howlgalada nabad ilaalinta iyo dadaallada dowlad-dhiska dalka.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga gobolka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika.May be an image of the Oval Office and daisMay be an image of the Oval Office and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here