Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray dabkii ka kacay isgoyska Banaadir

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here