Sawirro: R/W Rooble oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta

0

ABU DHABI (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Allaha u maxariis madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here