Madaxweynaha JFS oo farriin culus u diray shacabka Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO (SMN) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay doorka ay ka qaateen xasilinta dalka iyo dowlad dhiska.

Madaxweynaha ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka warbixiyay waxyaabihii uu kusoo arkay booqashadii uu ku tagay xeryaha barakacayaasha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay aad ugu xanuunsadeen ugana damqadeen dhibaatooyinka ba’aan ee haysta dadka hasoo hayaamay abaarta.

Wuxuu madaxweynuhu intaa ku daray inay dhibaatada inteeda badani sababtay kooxda Al-shabaab, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday inaysan ka dowlad ahaan iyo shacab ahaanba tabar u waayin balse ay jiraan qaladdaad isla markaana la sixi doono si loo helo Soomaali heshiis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here