Aljeers, 12-ka Nofeembar 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad lagu kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo iskaashi oo dhexmaray labada dal.
Heshiisyadan ayaa waxaa kala saxiixday wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka, kuwaas oo dhidibada u taagaya iskaashi ballaaran oo ku saabsan dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, iyo sidoo kale fududeynta socdaalka diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu siin doono fiiso dal-ku-gal ah marka ay gaaraan dalka Aljeeriya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isagoo xusay kaalinta muuqata ee ay Aljeeriya ku leedahay difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey dhiggiisa Aljeeriya yabooha deeq waxbarasho oo gaaraysa 500 oo arday Soomaali ah, kuwaas oo lagu barayo takhasusyo muhiim u ah dalka sida beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay hoggaanka Madaxweyne Tabbuun ee ku aaddan hirgelinta “Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika,” isagoo sheegay inuu yahay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda, isla markaana Soomaaliya ay rajaynayso inay noqoto dal ka faa’iideysta sanduuqan muhiimka ah.












