Jeddah, Sacuudi Carabiya – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa maanta magaalada Jeddah kula saxiixay dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Alrabiici, heshiiska qoondada xajka Soomaaliya ee sanadka 1447/2026. Heshiiska ayaa u oggolaanaya in sanadkan ay ka soo qayb galaan xajka ilaa 11,500 oo xaaji ah, iyadoo sanad walba la cusbooneysiiyo.
Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa muddo maalmo ah ku sugnaa Sacuudi Carabiya, halkaasoo ay kaga qeyb galeen Kulanka Maxdarka Xajka iyo Bandhiga Adeegyada Xajka, kaasoo ay ka soo qeyb galaan dhammaan waddamada Muslimiinta caalamka.
Soomaaliya ayaa sanadkan lagu soo daray liiska waddamada ku guuleystay adeeg wanaagga xujeydeeda, iyadoo xaqiijisay kaalinta 4aad ee horumarka adeegyada xujeyda. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Soomaaliya siisay maamuus gaar ah iyo goob ay kusoo bandhigto adeegyada kala duwan ee loogu diyaarinayo xujeyda inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka xajka.
Heshiiskan iyo guulaha Soomaaliya laga gaaray adeegyada xujeyda ayaa muujinaya horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ku bixiso daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka.




