
PARIS – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump mowqifka uu ka qaatay muranka la xiriira Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), isagoo sheegay inuu qadarinayo fahamka uu Trump ka muujiyay walaacyada Masar ee ku saabsan biyaha Webiga Niil.
Sisi oo la hadlayay warbaahinta intii lagu guda jiray shirka G7 ayaa sheegay in arrinta biyo-xireenka GERD ay tahay mid xasaasi u ah Masar, isla markaana uu si weyn u qiimeynayo taageerada iyo fahamka Mareykanka ee arrintaas.
Dhankiisa, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Masar ay la kulantay cadaalad-darro la xiriirta muranka ka dhashay biyo-xireenka GERD, isagoo mar kale muujiyay taageerada Washington ee xal nabadeed oo dheellitiran.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiska dhawaan ay gaareen Mareykanka iyo Iran, isagoo sheegay in Qaahira ay si dhow ula socoto horumarka wada-hadallada labada dal.
Waxa uu xusay in Masar ay sugayso dhammaystirka heshiiska kama dambaysta ah ee u dhexeeya Washington iyo Tehran, si ay u soo bandhigto aragtideeda iyo taageeradeeda ku aaddan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Hadalka Madaxweynaha Masar ayaa kusoo beegmaya xilli Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, uu shaaciyay in Mareykanka iyo Iran ay gaareen heshiis kadib wada-hadallo iyo dhexdhexaadin muddo socotay, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha gobolka Bariga Dhexe.



