Midowga Afrika Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Nabadeed Ee Maraykanka Iyo Iran

0

ADDIS ABABA – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay wada gaareen Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo xiisadaha gobolka iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in heshiiskan uu caddeyn u yahay awoodda wada-hadalka iyo diblomaasiyadda ee lagu xallin karo khilaafaadka caalamiga ah, isla markaana uu rajo cusub u horseedayo nabad, xasillooni iyo iskaashi waara oo gobolka ka hirgala.

“Heshiiskani wuxuu muujinayaa awoodda wada-hadalka iyo diblomaasiyadda ee xallinta khilaafaadka iyo dhisidda kalsoonida u dhexeysa dowladaha. Waxa uu abuurayaa rajo cusub oo ku wajahan nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, oo amnigiisa iyo barwaaqadiisu muhiimad caalami ah leeyihiin,” ayuu yiri Guddoomiyaha AUC.

Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sidoo kale ammaanay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta heshiiska, isaga oo si gaar ah u xusay doorka Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ee fududeynta geeddi-socodka heshiiska.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay dadaallada dhexdhexaadinta ee ay sameeyeen dalalka Pakistan, Cumaan iyo Qatar, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay horumarinta wada-hadallada iyo dhisidda kalsoonida labada dhinac.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in heshiiskan uu gogol xaaro nabad waarta, xasillooni goboleed iyo iskaashi caalami ah oo xooggan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, wada-hadalka iyo is-ixtiraamka u dhexeeya dowladaha dunida.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here