Axmed Madoobe oo Mareykanka kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiir ku xigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle.

 

Axmed Madoobe iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arimaha amniga, siyaasadda iyo goโ€™aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab, ayada oo safiir ku xigeenku uu Jubbaland u ballan-qaaday inuu Mareykanka ka taageerayo howlgalladaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in doorkooda uu yahay nabadeynta Soomaaliya iyo in laga adkaado Al-Shabaab oo muddo ku dhow 20 sano dagaal ka wada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here