Laftagareen iyo Sheekh Aadan Madoobe oo kulan ku yeeshay degmada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo xalay ku hoyday magaallo xeebeedka Baraawe ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaas oo ah caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Labada mas’uul oo shalay dhagax-dhigay dhismaha dekedda Baraawe ayaa ka wadahadlay arrimo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed iyo arrimo ku saabsan amniga maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan oo ay qayb ka ahaayeen saraakiisha laamaha amniga, si weyn loogu lafa guray wajiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay inuu dhowaan ka billowdo gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hirgelinta heshiiskii horay loogu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo lagu dhammeeyay xiisadddii Koonfur Galbeed ee ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, siibna muddo xileedka madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Arrimaha kale ee ay ka wadahadleen Laftagareen iyo Aadan Madoobe ayaa waxaa kamid ah heshiiskii u dambeeyay ee lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo lagu go’aamiyay nooca doorashooyinka heer degmo, heer dowlad iyo heer federaalba oo noqonayo qof iyo cod, si ay dadweynaha Soomaaliyeed iyaga usoo doortaan dadka hoggaaminaya.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal, maadaama gobollada ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah, kuwaas oo iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka  iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo hadda ku wajahan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay kusoo biiraan ciidamo ka socda dalalka dariska ah, sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo haatan la’isku yiraahdo waddamada safka hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here