Axmed Madoobe oo Mareykanka kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiir ku xigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle.

 

Axmed Madoobe iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arimaha amniga, siyaasadda iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab, ayada oo safiir ku xigeenku uu Jubbaland u ballan-qaaday inuu Mareykanka ka taageerayo howlgalladaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in doorkooda uu yahay nabadeynta Soomaaliya iyo in laga adkaado Al-Shabaab oo muddo ku dhow 20 sano dagaal ka wada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here