Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) -Madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalad Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdi Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka HirShabelle Mahad Xasan Cismaan iyo xubno kam id ah labad gole ee maamulkaas.

Cali Guudlaawe ayaa Jowhar u gaaray dhammeystirka doorshada Golaha Shacabku oo tiro kooban ay ka harsan tahay guud ahaan dowlad gobolkeedka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here