Shir gaar ah oo u socda Xukuumadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

0

MUQDISHO (SMN) -Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda kulan gaar ah  u dhaxeeya xubnaha beesha Caalamka ee ku sugan xerada Xalane iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Shirkan ayaa waxaa looggu arinsanayo xaaladda guud ee dalka sida arrimaha soo cusboonaaday ee doorashooyinka, dhammeystirka xubnaha golaha shacabka iyo kaalinta xukuumadda ee gurmada abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa shirka ku metalaya ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa taagnaa Khilaaf xoogan oo ka yimid dhanka guddiga doorashada iyadoo Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilalka ka xayuubiyey xubno ka mida FEIT. G

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here