Siciid Deni oo cafis u fidiyey ku dhawaad 100 maxaabiis ah

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah  maxaabiista ku xiran xabsiyada  Puntland.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad

Markuu tixgeliyey:  Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Sanad kasta marka la gaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dowladda Soomaaliya iyo dhamaan dowlad Goboleedyada dalka kajira waxaa ay cafis Madaxweyne u fidiyaan Maxaabiista u xiran dambiyada fudud, kuwaas oo la siidaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here