Deni oo hoggaan cusub u magacaabay taliska ciidanka daraawiishta Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray wareegto cusub ayaa hoggaan cusub u magacaabay taliska ciidanka daraawiishta ee maamulkaasi.

Sarreeye Guuto Aadan Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, halka taliye ku xigeenka labaadna loo magacaabay Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig).

Halkan hoose ka akhriso:-

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA IYO TALIYE KU-XIGEENKA CIIDANKA DARAAWIISHTA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 24 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda
Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here