Mogadishu – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Muqdisho xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya iyadoo dalka ay ka jiraan xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan doodaha la xiriira doorashooyinka iyo muddo xileedka Madaxweynaha Xassan Sheekh Maxamuud oo ku eg 15-ka May.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka qeyb geli doono shir ay garwadeen ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka, kaas oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Golaha Mustaqbalka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho.
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii heshiis siyaasadeed looga gaari lahaa xaaladda dalka kahor dhammaadka muddo xileedka dowladda hadda jirta.
Wakiillada beesha caalamka ayaa la filayaa inay dhinacyada ku cadaadiyaan in laga fogaado kala tag siyaasadeed iyo in la gaaro is-afgarad mideeya dhinacyada isku haya khilaafaadka jira.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan beenisay warar sheegayay in shirkaasi ay si rasmi ah u garwadeen uga noqonayaan wakiillo ka socda dowladaha reer galbeedka, iyadoo xukuumaddu sheegtay in arrimaha siyaasadda dalka lagu xallin doono hannaan is afgarad ah.




