Madaxweyne Deni oo shir guddoomiyey shirweyne lagu qiimeynayo mashaariicda Bangiga Adduunka ee Puntland

0

Garoowe: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir guddoomiyey shirweyne lagu qiimeynayay mashaariicda Bangiga Adduunka (World Bank) ee ka socda Puntland.

 

Shirka waxaa ka qaybgalay dhammaan hay’adaha dowladda Puntland ee ku shaqada leh mashaariicda uu Bangiga Adduunku ka fuliyo deegaannada maamulka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan mashaariicda hadda socda, kuwa la soo gabagabeeyay iyo kuwa qorsheysan, iyadoo sidoo kale laga hadlay sidii mashaariicdaas loogu waafajin lahaa siyaasadda dowladda Puntland ee ku aaddan maamulka iyo hirgelinta mashaariicda Bangiga Adduunka.

Intii uu shirku socday, waxaa la sameeyay guddi farsamo oo loo xilsaaray sii horumarinta hannaanka wada-shaqeynta dowladda Puntland iyo Bangiga Adduunka, si loo xoojiyo isku-duwidda iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee maamulka.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here