Madaxweyne Farmaajo oo safar ugu ambabaxay dalka dibaddiisa

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo u safray magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Koongo.

Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Felix Tshisekedi.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa yeelan doono kulamo gaar gaar ah oo ay uga wada-hadlayaan xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Koongo, gaar ahaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here