Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo u safray magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Koongo.
Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Felix Tshisekedi.
Sidoo kale labada madaxweyne ayaa yeelan doono kulamo gaar gaar ah oo ay uga wada-hadlayaan xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Koongo, gaar ahaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
