Askarigii rasaaseeyey gaariga Agaasimaha Shabelle oo la xiray

0
FILE: Shabelle Media Network director Abukar Sheikh Mohamud

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa caawa soo gaaray Xarunta Warbaahinta Shabelle, isaga oo muujiyey inuu aad uga xun yahay falkii lagu rasaaseeyey Agaasimaha Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud.

 

Sidoo kale Taliye Farxaan Qaroole ayaa la wadaagay maamulka sare ee Warbaahinta Shabelle in la xiray askarigii galabta rasaaseeyey gaariga uu saarnaa Agaasimaha, wuxuuna sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono.

Askari rasaaseeyey gaariga aagaasimaha ayaa ka mid ahaa ciidan ku sugan koontarool ku yaalla wadada Xaaji Baasto ee magaalada Mqudisho

Tallaabada uu askariga ku rasaaseeyey Agaasimaha Shabelle ayaa imaaneysa, xilli dhawaan ilinka hore ee dhismaha warbaahinta ay degan tahay lagu dhacay qalab ay laheyd Shabelle, isla-markaasina raggii dhacay qalabkaasi ay sii daayeen taliska saldhiga Booliiska Degmada Hodan oo burcada lagu xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here