Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo qaatay shahaadada musharaxnimada

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta is-diiwaangeliyey ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada ee xilka madaxweynaha.

Farmaajo ayaa tegay xarunta Aqalka Sare, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, waxaana la guddoonsiiyey shahaadada.

“Waxaan Guddiga Isku-dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha si rasmi ah uga guddoomay, shahaadada musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, annagoo u gudbinay barnaamijkeenna siyaasadeed ee ku wajahan sii ambaqaadidda isbeddelka socda ee dalka iyo qorsheyaashii horumarineed ee miro-dhalay,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waxaan ku kalsoonahay garashada iyo aqoonta ay u leeyihiin sharci dejiyeyaasha Soomaaliyeed in ay dalka u doorayaan hoggaan la hubo, oo ku tilmaaman ilaalinta ammaanada iyo qarannimada, kana tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta dalka iyo adkaynta dowladnimada,”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay musharaxnimadiisa, wuxuuna xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka ka dalbaday inay codkooda siiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here