MW Farmaajo oo u hambalyeeyey ciidamada Booliska Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 78 guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dadaalladooda naf-huridda ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga, caddaaladda, sarraynta sharciga iyo xasilloonida dalka, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad, caddaalad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee hanashada iyo xaqiijinta amniga dalka, isaga oo Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Booliska ee naftooda u huray ilaalinta amniga nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here