Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq + Sawirro

0

CEELWAAQ (SMN) – Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa saaka gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas soo ay ka socoto doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Waxaa sidoo kale shalay magaalada Ceelwaaq gaaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Madoobe), iyada shalay halkaas lagu qabtay doorashada 11 xildhibaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay qoraal uu soo saaray ku sheegay in doorashooyinka ka socda Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuw baal marsan habraacii doorashada ee lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here