Waabari oo xalay u gudubtay wareega afaraad ee tartanka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka kala ah Waabari iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Waabari oo ku adkaatay tartanka ayaa heshay 12 dhibcood, halka Dayniile oo guud ahaan tartanka ka hartay ay keensatay 10 buundo, sida uu shaaciyey guddiga tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku madalsan degmooyinka Wadajir iyo Ufurow oo kala metali doono gobollada Banaadir iyo Baay.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here