Madaxweyne Lafta Gareen oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Green iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdiga Madaxweynaha ku soo dhoweyey wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Baay ,kan degmada Baydhabo, cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada nadaxtooyada iyo qeybaha kala duwan  ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, isaga oo qeyb ka ahaa dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here