C/casiis Laftagareen oo ku dhawaaqay wajiga labaad dagaalka Al-Shabaab

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka.

 

Shirka oo ay ka qeybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, Gudoomiyaasha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiisha Ciidanka Qeybahooda kala duwan ee ka Howlgala Guud ahaan Deegnada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftgareen ayaa faray Saraakiisha Ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka bilowda uu bilaabanayo Dagaalka Deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Alshabaab ee dhibaatada ku haya Dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dhammaan deegaanada hoostaga maamulkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here