Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale ku wajahan dalka Eritrea + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eritrea, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar ciidan ku qaadanaya gudaha dalkaasi.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay safarka uu madaxweynaha ku aadayo Eritrea, kaas oo qaadan doono muddo kooban, maadaama madaxweynuhu ku mashquulsan yahay hoggaaminta dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Wararka ayaa shegaya in Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki la yeelaan doono wadahadallo ku qotoma xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saarayo dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo ku aadan soo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababarayo dalkaasi.

Ujeedka ayaa ah in ciidamadaasi ay ka qayb qaataan wajiga labaad dagaalka haatan lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waa booqashadii afaraad ee madaxweynaha uu ku tagayo Asmara, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022.

Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo ka badan laba sano.

Qeybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu dalka dib ugu soo celisay bishii December 2022, hase yeeshee weli ma cadda haddii lasoo dhameystirayo ciidankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here