Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay wafdi ka socda DF Somalia + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas oo uu qeyb ka yahay Wafdigiisa Madaxa Mashaariicda Hay’adda IOM ee Soomaaliya.

 

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweyne Laftagareen la Wadaagay Socdaalkooda Magaalada Baydhabo inay Tahay sidii Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Koonfur Galbeed loogu Wareejin lahaa Mashruuca Biyo gelinta Baydhabo.

Kulanka Madaxweynaha Waxaa ku wehlinayey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here