Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay guddi baara dilkii Sheekh Cali Dheere

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor oo ka kooban todoba qof ayaa kala ah:

1 – Muumin Xuseen Cabdullahi (Guddoomiye)

2 – Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye ku xigeen)

3 – Saciid Maxamuud Jimcaale          (Xogheyn)

4 – G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)

5 – X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)

6 – Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)

7 – Cabdirisaq Khaliif Aadan (Xubin)

11-kii bishan ayaa meydka Sheekh Cali Dheere oo laga afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa laga helay deegaan u dhow magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, wixii intaas ka dambeeyana waxaa gobolka Mudug ka socda baaritaanka dadkii ka dambeeyey dilka marxuumkan oo ka shaqeyn jiray arrimaha samafalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here