Madaxweyne Saciid Deni oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

0

GAROOWE (SMN) – Saciid Cabdullahi Deni, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo maanta furay kaldhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday dowladda federaalka iyo  guud ahaan golaha wadatashiga qaranka.

 

Deni ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay ku xadgudbatay hannaanka federaalka ee dalka, sidoo kalena ay jabisay dastuurka KMG ah, sida uu hadalka.

Sidoo kale waxa uu ka horyimid go’aanadii u dambeeyay ee kasoo baxay xubnaha golaha wadatashiga oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Puntland ayaa  sheegay in madashu aysan kalgeed go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama awooddii hoos loo daadajiyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay labada dhinac.

Si kastaba, Puntland, ayaa qudheeda haatan waxaa ka jira xaalada cirkiran oo ka dhalatay muranka doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here