Daawo: Ammaanka magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa adkeeyay ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli ay nagu soo food leeyihiin munaasabadaha maalmaha xoriyadda iyo Ciidul Adxaa.

 

Ciidamada ayaa howlgallo culus ka bilaabay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxayna xalay baaritaano ka sameeyeen Dayniile iyo Heliwaa.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga, maadaama loo diyaar garoobayo xuska maalmo ku weyn Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay dagneyd, inkastoo ay mararka qaar weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here