Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay wasiirka cusub ee amniga Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay wasiirka cusub ee amniga maamulkaasi, iayada oo loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin).

 

Saciid Deni ayaa sheegay inuu magacaabista wasiirka cusub ee amniga kala tashaday madaxweyne ku xigeenka Puntland, uuna ku xushay aqoon iyo waayo aragnimo.

Ninkan ayaa beddalaya, Cabdisamad Galan oo uu horay xilka uga qaaday madaxweyne Saaciid Cabdullahi Deni.

Halkan hoose ka aqriso:-

Garoowe: 11 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFIN MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here