Madaxweyne Xasan oo Dooxa kula kulmay saraakiil loo tababaray Somalia + Sawirro

0

DOOXA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada cirka  dalka Soomaaliya ee ka qalin jabiyay Kulliyadda Al-saciim ee Ciidamada Cirka dalka Qatar.

 

Madaxweynaha oo dhammaan Saraaakiishan ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddada uu socday tababarku ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey Saciid Cali Cabdilaahi oo magac u soo hoyay Ciidamada Cirka Dalkeenna kaddib markii uu kaalinta 1-aad u galay dhammaan Saraakiishii ka socotay dalalaka Qatar iyo Soomaaliya tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahadceliyey Amiir Tamiim Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida dhow u taageero Soomaaliya, isla markaana ka fuliya mashaariicyo kala duwan oo horumariineed, sida dhismaha jidadka.

Hakan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here