Wararkii ugu dambeeyay kulanka BF ee wax ka beddalka Dastuurka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan wadajir ah ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa.

 

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaari doonaa arrimo ku aadan wax ka beddalka Dastuurka, sida lagu sheegay farriin loo diray xildhibaanada labada Gole.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 3-aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka, oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay.

Dhinaca kale kulamo gooni gooni ah ayaa xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay yeesheen xildhibaanada oo ku kala qaybsamay arintan, gaar ahaan dooda Dastuurka.

Xildhibaanad ku shiray Muqdisho ayaa qaarkood bayaan ay soo saareen ku sheegay inay kasoo horjeedaan kulanka maanta oo ay sharci darro ku tilmaameen, halka kuwa kalena ay taageereen maadaama go’aan looga gaarayo qodobo kamid Dastuurka KMG ka ah.

Arintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen in xilligan loo dhaqaaqo wax ka beddalka Dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here