Madaxweyne Xasan oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad ku aadan qabashada Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

 

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga ah, isla markaana dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Sidoo lale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galaya Tartanka Quraanka Kariimka ah ee uu hirgaliyay Madaxweynaha JFS, culimada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee soo qaban qaabisay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here