Dowladda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qayb-gashay dalka Tanzaaniya

0

ZANZIBAR (SMN) – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xassan Maxamed Bulaale ayaa magaalada Zanzibar ee Dalka Tanzaaniya uga qaybgalay Shirka Madaxda Afrika ee jorumarinta siyaasadda  caafimaadka.

 

Shirka oo socday muddo labo cisho ah waxaa ka qaybgalay Madaxda Wasaaradaha Caafimaadka ee Afrika,kaas oo looga hadlay iskaashiga horumarinta Arrimaha caafimaadka iyo latacaalida  cudurada faafa ee isaga kala gudba xuduudaha.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in kulanka u qabsoomay wasiirada caafimaadka Afrika uu aha  mid muhiim ah, gaar ahaan wadaagidda khibradda, , warbixinada iyo cilmi baarisyada caafimaadka.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xassan Maxamed Bulaale ayaa xusay in waqtiyada soo socda ay fududaan doonto dajinta mashaariicda guud ee ku aadan helitaanka iyo horumarinta adeega Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here