Madaxweyne Xasan oo tallaabo deg deg ah qaaday kadib weerarkii hoteel SYL

0

MUQISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ee ka dhacay hotelka SYL.

 

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.

Halkan hoose ka qaado Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here