SAWIRO: NUSOJ oo tabbabar ku soo gebo-gebeysay Muqdisho

0

Muqdisho :- Ururka Saxafiiyinta Qaranka Soomaaliyeed National Union of Somali Journalists (NUSOJ) oo Muqdisho kusoo gaba-gabeeyay Tababar.

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeeyay tababar la xariira Baarista Saxaafadda (Invistigitive Journalism) kaas oo ay iska kaashadeen qabashadiisa Ururka Nusoj iyo Australian High Commission, Kenya .

15 Wariye oo ka kala socdey Muqdisho iyo maamulada dalka ayaa ka faa’ideystay tababarkaan oo soconayay mudo 3 cisho ah, kaas oo ay bixinayeen khubaro u kala dhalatay dalalka Australia, Uganda iyo Somalia.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Omar Faruk Osman, ayaa Saxafiyiinta ka qayb-galaysha ku dhiiri- galiyay inay aqoontaan ka faa’iidaystaan sidoo kalana ay uga sii faa’iideeyaan Saxafiyiinta kale ee aan helin fursadaan.

Wuxuu sheegay in hadii kor loo qaado Saxaafadda Baarista ee Soomaaliya ay kaalin ka qaadanayso ka hortaga tacdiyada iyo musuqmaasuqa, wuxuuna saxafiyiintii ka qaybgalaysay ku adkeeyay inay sameeyaan Barnaamijyo baaris oo la xariira dhacdooyinka sida maalinlaha ah loo tabiyo.

Saxafiyiinta ka qayb-galaysay tababarka ayaa dhankooda soo dhaweeyay fursadaan ay siiyeen NUSOJ iyo Australian High Commision oo iskaashanaya, waxay tilmaameen inay wax badan ka badalayso habka ay u shaqayso Saxaafadda Baarista ee Soomaaliya.

Wariyayaasha ayaa ugu danbayn soo bandhigay Warbixino Baaris ah oo ay sameeyeen Saxafiiyinta ka qayb-gashay tababarka, kaas oo muujinaya sida ay uga faa’iidaysteen daruustii la bixinayay maalmihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here