Xasan Sheekh oo wada-hadal la yeeshay dhiggiisa Masar iyo Amiirka Qatar

0

QAAHIRA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

 

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here