Naadiya Maxamed oo loo dhaariyay xilka duqa magaalada St. Louis Park

0
Naadiya Maxamed ayaa loo dhaariyay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, kadib xaflad ka dhacday xarunta magaaladaasi, taas oo ay kasoo qeygbaleen boqollaal ka tirsan Soomaalida gobokaasi oo ay ku jireen xubnaha la doorto.

 

Naadiya 27-jir ah, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

Waxay doorashadeeda kahore aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.

Duqii hore ee magaalada St. Loius Park, Jake Spano oo shir guddoominayay kulankiisii ugu dambeeyey ee golaha deegaanka magaaladaas ayaa sheegay inuu ku faraxsanayay isbedelka ka dhashay doorashadii bishii Novermber ee sannadkii hore, isla markaana uu soo dhaweynayo hoggaanka cusub ee magaalada St. Loius Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here