Jabuuti – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyo sidoo kale arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika. Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Jabuuti ayaa qayb ka ah safarrada shaqo ee uu ku xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarradan ku bixinaya iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo danaha Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga gobolka, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida Geeska Afrika.



