MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Guddiga Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS), oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Aded Osman Shurie.
UDHIS ayaa ka kooban lix urur oo kala ah Ururka Iskaashatooyinka Gaadiidka iyo Dhismaha, Ururka Iskaashatooyinka Kalluumeysiga, Ururka Iskaashatooyinka Warshadaha iyo Farsamada Gacanta, Ururka Iskaashatooyinka Macaamiisha iyo Adeegyada, Ururka Iskaashatooyinka Xoolaha, Dhirta iyo Fooxa, iyo Ururka Qaranka ee Iskaashatooyinka Beeraha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha iyo wax-soo-saarka dalka, abuurista fursado shaqo iyo taageeridda dadaallada lagu yareynayo shaqo la’aanta iyo tahriibka, si loo dhiso bulsho iyo dal u adkeysan kara caqabadaha soo food-saara.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed uu door muuqda uga qaadan lahaa gurmadka iyo gargaarka bulshada marka ay dalka ka dhacaan xaaladaha musiibooyinka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo ururrada iskaashatooyinka, si loo kordhiyo kaalinta ay bulshada iyo hay’adaha iskaashatooyinku ka qaadan karaan gurmadka, wax-soo-saarka iyo horumarinta dalka.





