Wasiir Cali Balcad oo ka jawaabay warbixin sheegtay in Al-Shabaab guulo waaweyn gaartay

0

Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa si adag uga horyimid warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group (ICG), taas oo ka digtay in Al-Shabaab ay sanadkan 2025 dib u qabsatay dhulal badan oo ay dowladdu kala wareegtay intii u dhaxeysay 2022 iyo 2023.

 

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya marar badan lagu sawiro goobaha siyaasadda iyo daraasaadka caalamiga ah sidii dal ku guuldareystay inuu mas’uuliyad iska saaro amnigiisa, dib u dhiso hay’adihiisa dowladeed ama si hufan isu maamulo.

“Waa sawir aan dhameystirnayn, isla markaana aan caddaalad ahayn,” ayuu yiri wasiirku.

Cali Balcad ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay afartii sano ee la soo dhaafay isku mar wadday saddex hawlood oo aad u waaweyn: la dagaallanka Al-Shabaab, dib u dhiska ciidamada ammaanka qaranka, iyo hirgelinta dib-u-eegista dastuurka si loo xoojiyo dowlad-dhiska loona diyaariyo doorashooyin.

“Waa adag tahay in xitaa hal ka mid ah hawlahaas lagu guuleysto dal kasoo kabanaya colaado. Soomaaliya waxay isku dayeysaa inay saddexdaba hal mar qabato iyadoo dagaal ku jirta, isla markaana ay sii yaraaneyso taageerada dhaqaale ee caalamiga ah,” ayuu yiri.

Warbixinta International Crisis Group ayaa sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ay sare u qaadeen cadaadiska saaran dowladda Soomaaliya, isla markaana ay walaac ka muujiyeen awooddeeda ay ugu adkeysan karto caqabadaha soo socda.

ICG waxay sheegtay in Al-Shabaab ay sanadkii 2025 gaartay horumarro militari oo waaweyn, iyadoo dib ula wareegtay inta badan dhulalkii ay dowladdu ka qabsatay bartamaha Soomaaliya intii lagu jiray gulufkii 2022–2023.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciidamada dowladda ay dib isu abaabuleen ayna sugeen deegaanno ku dhow Muqdisho, hase yeeshee qaybo badan oo bartamaha dalka ah ay weli gacanta ugu jiraan Al-Shabaab, taasoo abuurtay xaalad dagaal oo aan dhinacna awood u lahayn inuu gaaro guul kama dambeys ah.

Sidoo kale, ICG ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay habka ay ula dhaqanto dadka ku nool deegaannada ay maamusho, iyadoo isku dayaysa inay hagaajiso xiriirka bulshada isla markaana yareyso adeegsiga cabburinta, arrintaas oo warbixintu ku sheegtay inay kooxda ka caawisay xoojinta saameynteeda.

Warbixintu waxay dowladda Soomaaliya kula talisay inay dib u habeyn ku sameyso tababarka ciidamada, hagaajiso qorista iyo sii haynta askarta, isla markaana si dhow ula shaqeyso dowlad-goboleedyada qorshayaasha lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

ICG waxay sidoo kale ku baaqday in la xoojiyo ciidamada heer dowlad-goboleed si ay u sugaan deegaannada laga xoreeyo Al-Shabaab, iyadoo intaas ku dartay in tallaabooyin aan militari ahayn, sida kordhinta gargaarka bani’aadannimo ee gaara deegaannada ay kooxda maamusho, ay qeyb ka noqon karaan xal waara.

Gabagabadii, warbixintu waxay sheegtay in xal siyaasadeed uu weli yahay waddada ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo colaadda daba dheeraatay ee Soomaaliya, waxayna ku boorrisay dowladda inay sii raadiso fursado wada-hadal oo suurtagal ah, iyadoo xustay in dagaalka Al-Shabaab uu weli marayo xaalad ismariwaa ah, oo ay is dhaafsanayaan horumarro dowladda iyo weerarro rogaal-celis ah oo kooxda fuliso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here