Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Shaqo ku Tagay Itoobiya

0

ADDIS ABABA, Itoobiya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

 

Madaxweynaha ayaa halkaasi kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga gobolka iyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo xiriirkooda, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in labada dal ay ka go’an tahay ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal, iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xaalad amni oo xasaasi ah oo ka jirta gobolka, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.May be an image of aircraftMay be an image of aircraft and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here