Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho ku tagay carwada ganacsiga ee Som Souk Expo, halkaas oo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku soo bandhigayaan badeecooyin iyo adeegyo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa kormeeray goobaha ganacsiga ee carwada, isaga oo sidoo kale ka dukaameystay, lana kulmay ganacsatada ka qeybgalaysa. Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaallada ay ku horumarinayaan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in carwooyinka ganacsigu ay door muhiim ah ka qaataan isu keenidda ganacsatada iyo macaamiisha, suuq-geynta badeecooyinka, dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi iyo ballaarinta fursadaha maalgashi. Wuxuu xusay in arrimahaasi ay gacan ka geystaan kobaca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda ganacsatada, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. Wuxuu tilmaamay in ganacsigu yahay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo isku-filnaanshaha dhaqaale ee dalka.




