Kumaandooska Gorgor oo Hawlgal ka Fuliyay Gobolka Baay

0

Baydhabo – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.

 

Hawlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Hinshiloole ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ku urursanaayeen.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa weerar ku qaaday goobtii ay maleeshiyaadku ku sugnaayeen. Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa xaqiijiyay in la dilay laba xubnood oo ka tirsan kooxda, halka mid kale nolol lagu qabtay.

Hawlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, gaar ahaan Ururrada 171-aad iyo 175-aad ee Guutada 17-aad, Qaybta 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa hawlgallo qorsheysan ka wada deegaannada gobolka Baay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here